Somalian

Dadka ayeey ku saabsan tahay

Waxaynu aaminsan nahay in qof kasta uu gaar yahay, ee uu rabitaan, danooyin iyo hadafyo u gaar ah leeyahay.

Community Living Toronto (Jaaliyadda Ku Nool Toronto) waxaa ay hoggaamiyaan helitaanka taageerada hal abuurka leh ee loo geysanayo dadka maskaxda ka itaal daran.

Community Living Toronto (Jaaliyadda Ku Nool Toronto) ahaan, waxaynu bixinaa …

Qorsheyn Gaar u ah Qof

kasta taasoo ku saleysan qorshaha qofka xoogga saaraya, waxaana ay shakhsiyaadka ka eegi karaan khayraadka jaaliyaddooda, tijaabin karaan hawlo cusub, heli karayaan waayo aragnimo cusub, iyo in ay gaaraan go’aanno ku saleysan waayo aragnimada ay heleen. Tani, ‘qaab loogu yeelay,’ ama ‘qofka xoogga saaraya’ taasoo ay ka soo if baxdo taageero saameynaysa danaha, hadafka iyo natiijooyinka shakhsiga.

Nolosha Dugsiga Kaddib iyo Qorshaynta 21 Kaddib

Waxaynu dhallinyarada siinaa fursadda ugu fiican ay ku guuleysan karaan marka ay ka baxayaan nidaamka waxbarasho iyadoo aan ku taageerayno qorsheynta sida “Shaqaaleynta Dhallinyarada.” Iyagoo la shaqeynaya dugsiyada sare ee deegaanka iyo iskaashatooyinka jaaliyadda, waxaynu siinaynaa dhallinyarada fursad ay ku ogaanayaan hadafkooda xirfadeed iyo danahooda gaarka ah inta aysan dugsiga dhammeynin, si aynu ugu fududeyno isbeddelka nololeed dugsiga kaddib. Waxaynu ku taageernaa hawlaha iskaa wax u qabso iyo shaqooyin oo aan u xilsaarno. Kuwa dugsiga hore u dhammeeyey, waxaynu ka saacidaynaa sidii ay ku ogaan lahaayeen hadafka xirfadeed iyo waayo aragnimada, iyadoo aynu xaqiijinayno in waddada xirfadeed ay tahay mid shakhsiga loogu talagalay islamarkaana qiime weyn u leh.

U Diyaargarowga Shaqada

Haddii aynu nahay Jaaliyadda Ku Nool Toronta waxaynu kala shirkownaa qofka iyo nidaam hawleedkooda sidii lagu ogaan lahaa fursadaha shaqo ee qiimaha leh islamarkaana sidata waayo aragnimo ku saleysan hadafka iyo danaha shakhsiga. Tababarka Shaqada, xirfadaha iyo qiimeynta shaqada ayaa laga heli karayaa iskaashatooyinka jaaliyadda. Waxaynu bixinnaa macluumaad iyo bandhigyo kuwaasoo loogu talagalay shakhsiyaadka, xubnaha nidaam hawleedkooda ka tirsan, kooxaha jaaliyadda ka tirsan iyo baadigoobka fursadaha xirfadeed iyo xulashooyinka.

Fursadaha Xirfadeed iyo Waayo

Aragnimada ayaa waxaa ugu wacan maadaama shaqooyinka dadka ay ku kala duwan yihiin hadba hadafka xirfadeed ee shakhsiga, sidaa awadeed shaqaalaha yaga ee waayo aragnimada iyo aqoonta u leh ayaa ka saacidaya sidii lagu ogaan lahaa fursado xirfadeed iyagoo siinaya taageero, tababar iyo latalin marka hadafka shakhsiga qorshahooda lagu tilmaamo. Shaqooyinka qaarkooda ee ay haatan qabtaan dadka maskaxda ka itaal daran waxaa ka mid ah adeegyada gaarsiinta, hawlaha dayactirka, dukaan iibinta, adeegyada dhar dhaqidda, adeegyada cuntada, dayactirka banaanada/dhulka, shaqaalaha suuq yaraha, dukaamanka miyuusigga iyo fiidiyowga, baakadaynta iyo isku xirka iyo shaqooyinka xafiiska sida isku toosinta, shiididda waraaqaha, iyo hawlaha karaaniga.

Horumarinta Xirfadaha

Horumarinta qoridda iyo akhriska, maamulka lacagta, aqoonta bulshada, dhismaha xiriirka iyo tababarka safarka ayaa sare u qaadeysa ka qayb qaadashada iyo helitaanka kalsoonida jaaliyadda. Qoraalka Aqoonta iyo Waayo Aragnimada, xirfadaha kombiyuutarka iyo wareysiga ee qof loogu diyaarinayo shaqada iyo dhismaha xirfadaha shaqooyinka.

Waayo Aragnimada Hawlaha Iskaa Wax u Qabso
Dadka ka hela in ay jaaliyaddooda wax u qabtaan, waxaynu dadka ka saacidi karnaa helitaanka fursadaha lagu ogaado hawlaha iskaa wax u qabso sida u soo adeegidda waayeelka, soo booqashada bukaanka cusbitaalka, Gaari ku Gaarsiinta Cuntada (Meals on Wheels) iyo saacididda xarumaha xanaanada carruurta.

Hawlaha Lagu Madadaasho

Baadigoobka iyo ka qayb qaadashdaa fursadaha lagu madadaasho waxaa ay dadka siinayaan xirfado cusub, asaxaab cusub oo la barto iyo in hawlaha jaaliyaddooda ay ka qayb qaataan. Hawlaha ayaa la isugu duwaa si ku dhisan xulashada qofka, kartidiisa iyo danihiisa.

Taageerada Takhasuska Leh
Haddii aynu nahay Community Living Toronto (Jaaliyadda Ku Nool Toronto), waxaynu fahansan nahay in dadka qaarkiisa ay u baahan yihiin taageero heer sare ah iyo hawlo maalmeed noocyo kale ah. Waxaynu tani kuu helaynaa inagoo qadarinayna xulashada qofka kana jawaab bixinayna hadafka iyo danaha qofka. Hawlaha Lagu Madadaasho, ka qayb qaadashada jaaliyadda iyo hawlaha xirfad nololeedka ayaa la tilmaamayaa kuwaasoo lagu badbaadayo ahna wax xiiso leh ee shaqada beddelaysa.

Shaqada, Tababarka Xirfadaha ama Fursadaha Jaaliyadda

Iyadoo lagu saleynayo hadafka qofka, danaha iyo taageerada nidaam hawleedyada, ayeey dadka maskaxda ka itaal daran si qiime leh jaaliyadda ugu dhex noolaan karaan. Iyagoo waayo aragnimo dheeraad ah ku leh dhismaha qorshooyin qofka xoogga saaraya iyo maamulka maaliyadda gaarka ah, waxaa ay Community Living Toronto (Jaaliyadda Ku Nool Toronto) qabaan dhawr nooc oo fursado gaar ah ee loogu talagalay dadka weyn ee maskaxda ka itaal daran.

Community Living Toronto (Jaaliyadda Ku Nool Toronto) waxaa ay haatan taageero u fidiyaan in ka badan 1,100 qofood kuwaasoo aad ugu hawlan noocyada kala duwan ee hawlaha jaaliyadda, laga billaabo tartanka shaqooyinka iyo hawlaha iskaa wax u qabso, iyo fursadaha lagu madadaasho. Haddii la eego khayraadka jaaliyadda iyo iskaashatooyinka horumarinaya xulashada, ballaarinaya nidaam hawleedyada taageerada, fursadaha iyo waayo aragnimada, waxa uu qof sameeyo maalintii waxbaa laga beddeli karaa iyadoo lagu jiheyn karayo danahooda.

Wax dheeraad ah ogow

Waxaad ogaataa in Community Living Toronto (Jaaliyadda Ku Nool Toronto) ay ka dhabeyn karaan riyada qofka uu wax ugu qabanayo jaaliyaddiisa. Sidoo kale waxaynu ogsoon nahay in dadka qaarkiis ay rabi lahaayeen qorsheyn iyo adeegyo dheerad ah. Aad ayeeynu ugu faraxsan nahay in aan arrinkan kaala munaaqashoono waxaana doonaynaa in aynu ku ogaano sida aan wax uga qaban karno rabitaanka qofka.

Waxaad inagala soo xiriirtaa xafiis goboleedka:

Corporate Services: 416.968.0650

Information: Programs and Services: 647.426.3220

contactus@cltoronto.ca